0

Hurdo la'aan dhib maku qabtaa? Raac 5 talaabo oo ku caaawin kara

2023-12-15

Dhamaanteen waa wada ognahay muhiimada ay leedahay hurdada iyo waxyeelada ay caafimaadka u geysan karto hurdo la'aantu. Balse ma ogtahay in hurdo la'aanta badan ay hor istaagi karto in aad horumar ka gaadho noloshaada. Waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa waxbasharada, shaqada iyo macaamiilka aad la yeelato dadka.

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in marka uu qofka bani'aadamka ah uu seexdo ay maskaxdiisu sii dayso naqas waxyeelo leh, kuwaasoo haddii aysan sii deyn maskaxdu ay keeni karto waxyeelo badan, oo ay ka mid yihiin:

  • Waxaa kordhaya in aad wax kasta dhibsato.
  • Waxaa adkaanaya in aad si waadix u fikirto.
  • Waxaa kordhaya cadaadiska, stress.
  • Waxaa hoos u dhacaya dufaaca jirkaaga.
  • Iyo guud ahaan wax kasta oo u baahan fikir iyo caqli ayaa hoos u dhacaya.

Dhamaan waxyaabahaan waxay keenayaan saameyn ay ku yeeshaan noloshaada. Taasoo, sida aad dareemi karto waxyeelo kale ku yeelanaya in aad gaadho yoolka noloshaada. Hadaba haddii aad ka mid tahay dadka aadka u dhafra, waxaad u baahantahay in aad qiimeyn ku samayso noloshaada isla markaana aad muhiimada saarto hurdada.

Talaabooyinkaan raac si aad u kordhiso caafimaadka hurdada:

1. Iftiinka iyo dhawaqa iska yaree

Mugdigu waxa uu maskaxda ka dhaadhiciyaa in la joogo xiligii jiifka. Waa sababta ilaahey habeenka u abuuray. Qolkaaga ka dhig mid mugdi ah oo iftiinka iyo dhawaqu ku yaryahay. Telefoonka haku isticmaalin mugdiga.

2. Qolka raaxo ka dhig

Sariirta ama joodariga aad ku seexaneyso ha noqdo mid raaxo leh. Qolka yuusan noqon mid kuleel ah ama saa'id u qaboow.

3. Waqti joogto ah seexo

In hurdadu kaa wareerto waxaa sababta ugu weyn noqon kara in aadan lahayn jadwal, oo aad habeenba waqti kala seexato. Xitaa hawsha ama waxyaabaha aad sameyso inta aadan seexan ka hor ayaa saameyn ku leh caafimaadka hurdada.

4. Stress iska yaree

Stress ama cadaadiska noloshu waxa uu saameyn ku yeelan karaa hurdada. Haddii uu ku hayo walaac ama walwal hurdada ayay kaa haleynayaan. Dhageyso Quran ama samee wax kale oo ku hilmaam siinaya walaaca iyo waxyaabaha maskaxda buuqa ka abuuraya.

5. Sariirta ka deg

Haddii marka aad sariirta tagto ay hurdo kaa soo dhici weydo oo waliba aad ka walwasho hurdada, ka deg sariirta oo wax kale samee.


Readers

Image
Hazzan
Image
Sacdia A
Image
Mohamed
Image
Deeqa
Image
Hodan
Image
Sihaam
Image
Yaxye
Image
Maxamed
Image
Shamso
Image
Osman kh
Image
Zahra
Image
Yahye
Image
Abdirahm

0 comments


No comments added.

Ubax App