0

7 calaamadood oo lagu garto qofka ku jecel

2023-12-11

Waa su'aal weyn oo dad badan ay is-waydiiyaan balse aysan sidaa u adkeyn jawaabteeda laakiin marar badan ayaa laga yaabaa in aadan fahmin qofka ku jecel dareenkiisa. Halkaan ka daalaco dhowr calamaadood oo lagu garto qofka ku jecel. 

1. Fiiradooda ayaa badan

Calaamada ugu weyn ee lagu garto qofka dareenka jaceyl kuu haya ama ku daneynaya waa fiirada. Waliba fiiro ay la socoto dhoolo cadeyn oo farxad ka muuqato. Cilmis baaris ayaa lagu ogaaday in dadka jaceylku ka dhexeeyo ay 75% is fiiriyaan marka ay wada hadlayaan halka kuwa uusan ka dhaxayn ay tahay fiiradu 30-60% keliya. Marka qof uu ku jecelyahay waxaa badan in ay ku fiiriyaan. Waxaad arkeysaa iyada oo gabadha ama wiilku uu ku milicsanayo. Ka dibna kaa jeesanayo markaad soo fiiriso. 

2. Way kuu dulqaataan

Calaamad kale oo lagu yaqaano qofka ku jecel ayaa ah in uu xiiso u qabo in uu waqti kula qaato, oo uu hawl kula qabto. Waxaa laga yaabaa haddii aad dhahdo dharbaan dhaqayaa in uu ku yiraahdo aan kula dhaqo. Xitaa haddii uusan hawshaas ku faraxsaneyn dulqaad ayuu muujinayaa waayo dareenka jaceylka ayaa ka weyn oo waxa uu muhiimada siinayaa in uu waqti kula qaato.

3. Waa ku dhagaystaan

Sidoo kale qofka jaceylka kuu haya waa mid ku dhagaysta. Waa mid xaadir ah marka aad hadlayso oo doonaya in uu ku maqlo. Ma ahan mid maahsan marka aad sheeko u sheegayso ee waxa uu xiiso u qabaa hadalkaaga. Eray walba oo afkaaga ka soo baxa ayuu milicsanayaa. 

4. Way kuu naxariistaan

Qofka ku jecel waxa uu jecelyahay farxadaada. Waa mid kuu naxariista oo markasta doonaya in aad xaalad fiican ku jidho. Haddii ay kula soo daristo xaalad adag waa mid diyaar kuula ah niyad dhis iyo taageero walba oo aad u baahantahay. Naxariis badan ayuu kuu muujiyaa oo erayo macaan ayuu kugula hadlaa.

5. Waxyaabaha yaryar ayay xasuustaan

Calaamada ugu cajiibsan ee lagu hubsado in uu qof ku jecelyahay waa sida ay u xasuustaan waxyaabaha yaryar. Waxaa laga yaabaa in uu xasuusto waxyar oo aad mar hore u sheegtay balse dadka intooda badan ay hilmaamayaan. Waxaa laga yaabaa in aad kulankiinii ugu horeeyay aad u sheegtay in aadan jecleyn nuuc ka mid ah qudaarta. Waxaa laga yaabaa bilooyin ama sanado ka dib in uu xasuusanyahay arintaas oo uu kaa ilaaliyo in uu ku siiyo.

6. Waxay ku baraan dadka muhiimka u ah

Qofka doonaya in aad nolosheeda qeyb ka noqoto oo aad isku soo dhawaataan, waa mid sidoo kale doonaya in aad xiriir la yeelato dadka ku dhow. Caalamadaha jaceylka waxaa ka mid ah in ay ku baraan dadka iyaga muhiimka u ah, sida qoyskooda iyo asxaabta ay aadka isugu dhowyihiin.

7. Waxay joogto uga hadlaan mustaqbalka

Qofka doonaya in aad mustaqbal wada yeelataan waa mid doonaya in uu kaala hadlo mustaqbalka. Calaamadaha qofka ku jecel waxaa ka mid ah in ay marar badan soo hadal-qaadaan qorshahooda mustaqbalka iyo sida ay doonayaan in uu noqdo, iyagoo waliba muujinaya sida aad adigu qeyb uga noqon doonto hammigooda mustaqbalka.

Hadaba haddii aad taqaano qof calaamadahaan buuxiyay..qofkaasi waa qof ku jecel ee la soco.


Readers

Image
muwaheip
Image
Anita k
Image
Najma
Image
Degan in
Image
Apdiwaha
Image
Yasmin
Image
Marwan
Image
Farhan
Image
Xuriyo m
Image
Shamso
Image
Saam
Image
Apdi ja
Image
Maryan
Image
Amiir Za
Image
Abdaam
Image
Boqor sp

0 comments


No comments added.

Ubax App