0

7 sirood oo aad ku qurxin karto qaabka aad u hadasho

2024-01-19

Qaabka aad u hadasho waxa uu kuu furi karaa fursado cusub, kuwa kalena waa kaa xiri karaa.

Halkaan waxaan idinkugu soo bandhigayaa 7 talaabo oo haddii aad isticmaasho aad noqon karto qof hadalkiisa la jecelyahay.

1. Dhaqdhaaqa jirka - La soco sida aad u dhaqdhaqaajiyso gacmahaaga, madaxaaga iyo jirkaaga.

2. Dhageystiga badi - Si fiican u dhageyso qofka kale oo ka falceli haddii aadan wax fahmin ama su'aalo ka waydii.

3. Iska ilaali su'aalaha Haa ama Maya - Su'aalaha Haa iyo Maya looga jawaabi karo waxay soo afjarayaan hadalka, ka dhig su'aalahaaga kuwo sharaxaad ama sheeko u baahan.

4. Jirkaaga fur - Ha xiran gacmaahaga iyo lugahaaga, haddii kale waxaa laguu fahmayaa qof difaac ku jira.

5. Indhaha ka fiiri - Qofka aad la sheekeysanayo indhaha ka fiiri.

6. Qofka maskaxdisa ha qiyaasin - Ha iska dhigin mid og qofku waxa uu dareemayo ama ka fikarayo, u ogoloow in uu isagu hadlo.

7. Hadalkaaga ha cadaado - Erayada aad isticmaasho ha noqdeen kuwo cad oo la fahmi karo.

Readers

Image
Abdilade
Image
Najma
Image
Adar
Image
Sihaam
Image
Ifraax
Image
Sacdia
Image
Ugbaad a
Image
Sacdiya
Image
Farhan
Image
Mohamed
Image
Osman kh
Image
Xamda
Image
Moha Rid
Image
Abdisala

0 comments


No comments added.

Ubax App