0

6 sirood oo aad qof kasta wax kaga iibin karto

2024-02-01

Haddii aad iibinayso alaab, adeeg ama naftaada, isticmaal sirahaan si aad qof walba si fudud wax uga iibin karto.

1. Fahan qofka waxyaabaha uu daneeyo, dhibaatooyinka haysta iyo waxyaabaha uu ka cabsado ama uu ku haminayo.

2. Qofka dareenkiisa wax ka gad, ee ha isku dayin in aad wax u xayeysiiso. Bani'aadamku dareenka ayay wax ku gataan.

3. Haka iibin alaab ama adeeg, waxaa ka iibisaa natiijo iyo xal. Haka hadlin waxyaabaha alaabtaada ama adeega uu qabto, ee ka hadal waxa uu qofkaas u qaban karo.

4. Si cayiman wax u sheeg, "Ma dooneysaa in aad 10 kilo isaga jarto 3 isbuuc?" ayaa ka fiican "Ma dooneysaa in aad is caateyso?"

5. Ka faa'idayso FOMO (Fear Of Missing Out), u sheeg in alaabta aad gado ay dhamaad ku dhowdahay oo haddii uusan hada iibsan uu waayayo.

6. Ha noqon Boring, oo qofka marka aad wax ka gadeyso qosol oo dhoolo cadee, la kaftan oo ha noqon sida robot hadlaya. 


Readers

Image
Hodan
Image
Sihaam
Image
Sucaado
Image
Hamse
Image
Khalif
Image
Shamso
Image
Omar Abd
Image
Raxma

0 comments


No comments added.

Ubax App