0

6 su'aalood oo aad guurkaaga ama xiriirkaaga ku hormarin karto

2024-01-18

Su'aalahaan waa kuwo fursad siinaya qofka aad xiriirka la leedahay ama lamaane aad tihiin. Waa su'aalo furan oo qofka fursad u siinaya in uu dareenkiisa si dhab ah uga hadlo isaga oo aan jawaabta ku soo koobin Haa ama Maya.

Haddii aad qofka fasax u siiso in uu su'aalahaan ku waydiiso, waa in aad sidoo kale fursad u siisaa in ay si furan u hadlaan adigoo hadalka ka dhex galin ama hore ka jawaab celin.

1. Ma ahay dhageyste fiican marka aad dooneysid in aad ii sheegto arin muhiim ah?

2. Ma dareentaa in aanan fahmin dareenkaaga iyo fikirkaaga? Sidee wax uga badali karaa midaas?

3. Ma dareentaa in waqti fiican oo nagu filan aan wada qaadano?

4. Ma jiraa waqti xusid mudan oo aan sameeyay arin aad ku faraxdo?

5. Ma jiraa waxyaabo ama dabeecado aan joogto u sameeyo oo aad ka xumaato?

6. Kalsooni maku qabtaa in aan ku jeclahay oo aan ku daryeelo?


Readers

Image
Mohamed
Image
Abdirahm
Image
Hodan
Image
Iqra sai
Image
Muniish
Image
Fatuush
Image
Maxamed
Image
Haawa bi
Image
Nasiip
Image
Farduus
Image
Lii
Image
Ahmed
Image
Osman kh
Image
Apdi ja
Image
Abdaam

0 comments


No comments added.

Ubax App