0

Waxaad dhalo ku gurtaa 100 quraanjo madoow iyo 100 quraanjo cas

2024-01-31

Waxaad dhalo ku gurtaa 100 quraanjo madoow iyo 100 quraanjo cas. Ka dibna si fiican u fiiri sida u dhacaan? Waxba ma dhacayaan, quraanjadu dhalada ayay isaga dhex noolaaneysaa si nabad ah. 

Ka dib waxaad si xoogan u ruxdaa dhalada. Quraanjadu intey wareerto ayay bilaabayaan in ay is cunaan. Kuwa madoow waxay u maleynayaan in kuwa cas ay cadowga yihiin. Kuwa casna sidoo kale. 

Laakiin waa kuma cadowga dhabta ah? Waa qofka ruxay dhalada. 

Bulshadeena ayaa sida quraanjada ah. Inta aanan qabiil, gobol iyo wadan isku dagaalin, ma is waydiinaa cadowga dhabta ah? Yaa ka dambeeya dulmiga? Yaa nagu ruxay dhalada?

Readers

Image
Ayaan
Image
Mohamed
Image
Sihaam
Image
Aasiya
Image
Ahmed
Image
Moha Rid
Image
Abdihaaf

0 comments


No comments added.

Ubax App