0

4 arimood ogoow inta aadan gabdhaha Morocco u guur doonan

2024-01-16

Iyadoo Soomaali badan ay xiriir la yeelanayaan ragga iyo dumarka ajaanibta ah, ayaa qaar badan waxaa la soo darista caqabado aysan filayn. Qofkasta xor ayuu u yahay cida uu xiriir la yeelanayo oo mowduucaan ma ahan mid ka soo horjeeda in aad xiriir la sameysato qofka aad jaclaato balse haddii ay kugu jidho in aad xiriir la yeelato ama guursato qof ajaanabi ah waxaa muhiim ah in aad ka fikirto arimahaan hoos ku xusan.

1. Qoyskaaga ayaa culeyskaaga imaaan doonaa

Waxaa hubaal ah in qoyskaaga, qarabaadaada iyo asxaabtaada ay fikrado ka dhiiban doonaan xiriirka aad la yeelato qof ajaanabi ah. Bulshadu Soomaalidu wali ma aqbalin xiriirka nuucaan ah. Qaasatan marka ay waliba gabadh Soomaali ah nin ajaanabi ah xiriir la yeelato waxay u badantahay in qoyskeeda ay ka hor imaan doonaan. Waxaa muhiim ah in aad adigu tahay mid ku kalsoon naftaada, go'aankaaga iyo qofka aad jeclaatay.

Waxaad xoogaa saartaa dhowrka qof ee qoyskaaga ugu muhiimsan in aad ka dhaadhiciyo arintaan. Qaasatan aabahaa, hooyadaa iyo walaalahaa. Haddii ay dhacdo in xaaladu meel xun gaadho oo kala tag ay timaado, go'aanka ugu dambeeya adaa iska leh oo in aad kala doorato jaceylkaaga iyo qoyskaaga waa mid adag.

2. Erayo xun ayaa lagugu oron doonaa

Dadka kuu dhow iyo kuwa kaa fog intaba waxay fikrad iyo hadalo ka dhiiban doonaan xiriirkaaga. Waxaa laga yaabaa in ay wax ka sheegaan seygaaga ama xaaskaaga cusub ama jinsiyadooda ama dalkooda. Waxaad ku jiri doontaa dood iyo difaac joogto ah. Waxaa muhiim ah in aad dadkaa waxbarto oo aad si degan u fahan siiso halka ay ka soo jeedo xaaskaaga ama seygaaga. In aad wax uga sheegto qoyskeeda, dalkeeda ama jinsiyadeeda.

Waxaa sidoo kale Soomaalida ku jidha dad cunsuriyiin ah, oo laga yaabo hadaladooda in ay yihiin kuwa qaldan. Waxaa lagaa doonayaa dadka nuucaas ah in aad si toos ah wax uga sheegto oo aad u sheegto in cunsuriyada aadan aqbali karin iyo in xaaskaaga ama seygaaga hoos loo fiiryo. 

3. In seygaaga ama xaaskaaga ay cidlo dareento

Haddii seygaaga ama xaaskaaga ay soo dhexgasho bulshada Soomaalida oo aysan ku hadlin luuqada, waxaa dhici doonta in ay cidlo dareento. Waliba waqtiga hore ee seygaaga ama xaaskaaga uu baranayo qoyskaaga waxaa laga yaabaa in ay dhacdo isfahan daro iyo la qabsan waa dhaqanka Soomaalida. Waxaa lagaa doonayaa in xaaskaaga ama seygaaga aad u sharaxdo dhaqankaaga iyo qoyskaaga iyo asxaabtaada nuuca ay yihiin. Adiga ayaa la doonayaa in aad safiir u noqoto dhaqankaaga. Waxaa lagaa doonayaa in aad ugu horeyn adigu aad tusaale wanaagsan u noqoto.

4. Waxaa lagugu eedeyn doonaa in aad jinsiyadaada nacday

Waxaa dhici doonta in qaar ka mid ah qoyskaaga, asxaabtaada ama dad aadan aqoon in ay kugu eedeeyaan in aad dadkaaga nacday oo aad ka dooratay qof ajanabi ah. Waxaa muhiim ah in aad dadkaa u sharaxdo qiimaha  jaceylka iyo in uusan jinsiyad lahayn. In qofkasta uu helayo calafkii loo qoray. Oo aad xasuusiyo in waliba ay dhacdo in dadka ajaanibta xiriirka la yeeshaa ay noqdaan kuwa jecel dhaqankooda iyo asalkooda.


Readers

Image
Sabrin
Image
Adar
Image
Liibaan
Image
Faruk
Image
MohameT
Image
Maxamad
Image
Mohamed
Image
Mahad
Image
Zuldaan
Image
Ahmed
Image
Raxma

0 comments


No comments added.

Ubax App