0

Dhiiqo haddaa lugaha la gasho waa la aamusaa

2024-02-05

Dooli habeen ka qaraabanaya xero lo' ku xareysantahay ayaa inta lo haraati ku dhafay waxay ku riday dhiiqo. Dooligii waa ku adkaatay in uu dhiiqadii si fudud uga dhexbaxo, isagoo bilaabay in uu qeyliyo.

Qeylada dooliga ayaa waxaa maqashay mukulaal meesha iska mareysay. Waa ay ku soo leexatay bal si ay u fiiriso meesha waxa ka qaylinaya. Mise waa dooli!

Bisadii dooligii ayay ka soo dhex saartay dhiiqadii, ka dibna waa cuntay.

Xikmada sheekadu waa in qofkasta oo dhiiqo lugaha kuu galiyo uusan ahayn cadowgaaga, qofkasta oo kaa saarana uusan ahayn saaxiibkaa iyo in haddii aad dhiiqo lugaha la gasho ay mararka qaar kuu fiicantahay in aad afkaaga xirato.
 

Readers

Image
19
Image
Najma
Image
Mohamed
Image
Hodan
Image
Salma mo
Image
Said
Image
MohameT
Image
Mohamed
Image
Anisa
Image
Zheikh m
Image
Shamso
Image
Nouradii
Image
Alan
Image
Mudathir
Image
Yahye
Image
Moha Rid
Image
Abdaam
Image
Ahmed

0 comments


No comments added.

Ubax App