Wadada keliya ee looga baxsado xabsiga walaaltinimada
2024-01-22
Xabsiga walaaltinimadu waa marka adiga oo gabar damac xiriir ka leh ay ku tiraahdo walaalo ama asxaab ayaan nahay. Xabsigaa si fudud loogama baxo, laakiin haddii aad taladaan raacdo rajo ayaad leedahay.
1. Ugu horeyn waa in aad fahantaa in dumarku way ragga qiimeeyan 7 sakan ee ugu horeeya marka aad is barataan.
2. Haddii aysan kula dhicin waqtigaas, aad bay u adagtahay in ay kula dhacdo markale, haddaa gym gasho iyo haddaa dhaqaale hesho waxba ma soo kordhineyso waayo waxay kuu aragtaa walaal.
3. Wadada keliya ee looga baxsan karo xabsigaan, waa in aad guud ahaan nolosheeda ka baxdo. Waa in aadan waqti kelin, in aad hore u socoto.
4. Noloshaada dhis oo ku mashquul horumarkaaga. Iyada ayaa ku soo raadin doonta marka aad qiimahaaga kor u qaado. Laakiin waligii haku nagaan xabsiga walaaltinimada haddii damac kale kugu jiro.
5. Ha noqon saaxiib ama walaal bug ah oo sugaya in uu gabadha jaanis ku helo waqti ay baahi qabto.