0

Iska ilaali beenta dadka guurkooda ama xiriirkooda soo dhiga online

2024-01-13

"Farxadu guur waa jaceyl" imisa goor ayaad Tiktok ku aragtay lamaane isla qaadaya heestaan oo u muuqda kuwo ku jira farxadii guurka mida ugu fiican?

Ma ogtahay in cilmi baaris lagu ogaaday in dadka arimaha guurkooda online soo dhiga aysan isku faraxsaneyn. Cilmi baaristu sababahaan ayay ku sheegtay in ay dambeyso arimahaas:

1. Dadka aan ku kalsooneyn guurkooda iyo qaasatan jaceylka lamaanahooda waxay soo dhigaan online si ay ansixin uga helaan dadka kale, oo ay isku mashquuliyaan commentiga lagu amaanayo xiriikooda amaanta ah.

2. Dadka ka walwala in uu jecelyahay qofka ay la noolyihiin ama la socdaan ayaa online soo dhigga jaceylkooda si ay damaanad iyo marqaati uga dhigtaan dadka social media ku jira.

3. Dadka ay ku yartahay kalsoonida nafta, waliba aan si fiican ugu kalsooneyn xiriirkooda ayaa iyaguna soo dhiga arimahooda online si ay isaga dhaadhiciyaan in wax kasta okay yihiin.

4. Dadka shakiga iyo maseyrka ka qaba lamaanahooda ayaa iyaguna u badan kuwo soo dhiga online arimahooda, waliba iyagoo damacsan in ay cadaadis saaraan qofka ay la socdaan oo ay bulshada ogeysiin in aan loo dhawaan.

5. Dadka soo dhiga farxadooda online sida iyaga oo lamaanahooda dalxiis la qaadanaya iwm waxay ku qarinayaan ama isku hilmaam siinayaan dhibaatooyinka ka dhex jira. Ma jiro xiriir ama guur uusan culeys iyo dagaal soo dhexgalin si kasta oo la isku jecelyahay.

6. Lamaanaha farxada dhabta ah heysta waqti uma hayaan ay sawiro iyo muuqaalo soo dhigaan online ee noloshooda ayay ku mashquulsanyihiin.

7. Lamaanaha farxada dhabta ah haysta ma jecla in ay arimahooda dadka u soo bandhigaan ee farxadooda way qarsadaan.

8. Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in guud ahaan dadka social media saa'id u isticmaala ay ka farxad yaryihiin kuwa aan saa'id u isticmaalin.

Waliba qatarta ay leedahay la socodka dadka nuucaas ah ayaa ah in laga yaabo in ay kaa dhaadhacdo in guurka iyo xiriirku uu yahay farxad iyo baashaal keliya.

Waa sax "farxadu guurku waa jaceyl." laakiin farxada guurku sidoo kale waa in aad fahanto in uu imaan karo culeys iyo isku dhac, farxada dhabta ah waa sida aad uga wada hadli kartaan oo aad u xalin kartaa culeyska yimaada, adiga oo aan isku mashquulin qiyaali.

Waligaa xiriirkaaga iyo guurkaaga hala barbar dhigin lamaane aad ku aragtay online.


Readers

Image
Adar
Image
Abdirahm
Image
Liban Ge
Image
Salma mo
Image
Xamda
Image
Mahad
Image
Mohamed
Image
Moha Rid
Image
Qaali

0 comments


No comments added.

Ubax App