0

5 sirood oo aad gabdhaha si fudud ugu soo jiidan karto

2023-12-18

Ragg badan ayaa doonaya in ay ogaadaan sida lagu soo jiito gabdhaha. Hadaba su'aashu waxay tahay ma jiraan talaabooyin aad qaadi karto oo kuu fududeynaya in aad gabar walba soo jiidato? Jawaabtu waa HAAA. Halkaan ayaan ku soo bandhigaynaa dhowr arimood oo haddi aad raacdo aad guul ku gaari karto.

1. Kalsooni muuji

Kalsoonidu waa waxa ugu muhiimsan ee aad ku soo jiidan karto gabdhaha. Dumarka waxay awoodaan in ay hore ka fahmaan inuu ninku leeyahay kalsooni iyo in kale. Dumarku waxay kalsoonida ka fahmi karaan dhaqdhaqaaqa jirkaaga, hadalkaaga iyo ficiladaada. Marka aad gabar la hadlayso ama aad is aragtaan xooga saar in aad muujiso kalsooni. 

Laakiin waxaa muhiim ah in aad ka taxadarto in aysan gabadhu kuu arag mid isla weyn, waayo dumarku waa necebyihiin isla weynida. Kalsoonida waxaad ku muujin kartaa in aad dhoolo cadeyso, in aadan noqon mid cabsanaya oo aan hadli karin. 

2. Ka qosol sii

Gabar walba waxay doonaysaa nin ka qosol siin kara. Waliba haddii aad awoodo in aad qosol ka keento gabadha marka ugu horeysa ee aad kulantaan waxay xaqiijinaysaa taasi in ay soo dabacdo. Isticmaal jumlooyin isugu jira amaan iyo kaftan, kuwaasoo gabadha ka qosol siin kara. Haddii aad ku guuleysato in aad gabadha qosol ka keento waxay u badantahay in ay dhinacaaga u soo liici doonto. 

3. Ha noqon mid daba roora

Si kasta oo aad gabadha u soo jiidato, hadana dumarku waa necebyihiin ninka baahida badan muujinaya. Haddii ay gabadhu kaa dareento in aad tahay mid baahi badan u qaba waxay bilaabaysaa in ay kugu adkeyso. Isku day in aad muujiso in aad dooneyso gabadha adiga oo aan noqon mid carabka ka soo laalaado. 

4. Sheekadaada ha u xiisto

Haddii aad tahay nin sheeko macaan oo gabadha aysan ka daaleyn sheekadiisa waxay taasi kordhinaysaa dareenka ay kuu qabto. Iyo in ay u xiisto in ay waqti kula qaadato. Waliba marka aad u sheekeynayso waxaa sidoo kale muhiim ah in aad noqoto dhagayste fiican, oo iyadana marka ay hadal kuu sheegeyso aad xiiso leh oo xaadir ah aad u dhagaysato. 

5. Muuji naxariista iyo deeqsinimada

Naxariistu waa mid soo jiidasho leh, dumarku ma jecla ragga ad adag oo naxariis la'aanta ah. Isku day in aad muujiso oo aad soo bandhigto naxariistaada. Sidoo kale waxaad soo bandhigtaa in aad tahay nin deeqsi ah, balse ha isku dayin in aad gabadha ku soo jiidato keliya in aad wax u iibiso. 


Readers

Image
Kalid
Image
Ayaan
Image
Najma
Image
Saciid c
Image
Degan in
Image
Mohamed
Image
Abdikani
Image
Qalanjo
Image
Faruk
Image
Nuur
Image
Abdinasi
Image
Farhan
Image
Yasin Al
Image
Mohamed
Image
Roo
Image
Mudathir
Image
Moha Rid
Image
Mohamed
Image
ABDIRISA
Image
Chef abd
Image
Hargeisa

0 comments


No comments added.

Ubax App